Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa Madaxweyne cusub ku doortay magaalada Cadaado, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi.
Doorashadan ayaa waxaa ku tartamay illaa 2 Musharrax oo kala ahaa Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto ) iyo C/xakiin Cali Guure.
Sida guddoonka Baarlamaanku uu sheegay waxaa kulanka soo xaadiray illaa iyo 61 Mudane, kuwaas oo ka qeyb galay codeynta doorashadaasi.
Axmed Maxamuud Xasan (Axmed Baasto ) ayaa helay codad dhan 52, halka Mushharax kale C/xakiin Cali Guure uu helay 8 Cod.
Guddiga doorashada ayaana ku dhawaaqay in Madaxweynaha cusub ee Galmudug haatan uu yahay Axmed Basto oo horay u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi.
Xaaladda Galmudug ayaa weli cakiran, iyadoona Xildhibaanada ku sugan Dhuusomareeb ay horay u shaaciyeen in ay xilkii ka qaadeen guddoomiyihii Baarlamaanka maamulkaasi Cali Gacal Casir.