Madaxweynaha Soomaaliya ee dhowaan la doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada tagay, iyadoo aan wadada loo xirin, waddooyinkana ay ahaayeen kuwo caadi ah ay gaadiidka kala duwanu isticmaalayeen, waxaana ammaankiisa sugayay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha cusub, xarunta Madaxtooyada, waxayna qaateen kulan albaabada u xirnaa, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Intaas kaddib ayaa Madaxweyne Farmaajo ayaa indha indheeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha Madaxtooyada iyo xafiisyada ay ka kooban tahay ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Madaxtooyada.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha cusub Mr Farmaajo uu la wareego Xafiiska Madaxtooyada, ka hor inta aan la caleema saarin.