Home Afsomali Madaxweyne farmaajo iyo Amiirk a Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta...

Madaxweyne farmaajo iyo Amiirk a Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal (DAAWO SAWIRADA)

 

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Amiirka Qatar Photo Villa Somalia Ali Dualle-25

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyodadweynaha.

Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshadasida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

 

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Amiirka Qatar Photo Villa Somalia Ali Dualle-19

 

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Amiirka Qatar Photo Villa Somalia Ali Dualle-33
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Amiirka Qatar Photo Villa Somalia Ali Dualle-30
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Amiirka Qatar Photo Villa Somalia Ali Dualle-27

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.