Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay uu khilaaf ka dhex taagnaa.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay Guddoonka sidii loo hakin lahaa Khilaafka xooggan ee ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Kulanka Madaxweynaha uu qaatay Guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa joogay Guddoonka Aqalka Sare.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in ay muhiim tahay in xaaladda la dejiyo, islamarkaana Sharciga iyo kala dambeynta la ilaaliyo.
Waxaa sidoo kale uu guud ahaan hakiyay kulankii maanta ee Golaha Shacabka oo cabsi badan laga qabay.