Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kulamadii mira dhalka ahaa ee Garoowe (DAAWO SAWIRADA...

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay kulamadii mira dhalka ahaa ee Garoowe (DAAWO SAWIRADA )

 

Muqdisho, Jan. 29, 2019;Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo galabta Muqdisho kusoo laabtay ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u fidiyeen isaga iyo wufuudii Soomaaliyeed ee ka qeyb galay caleema-saarka Madaxda cusub ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in is ogolaanshaha iyo midnimada hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u yihiin xaqiijinta dib u kabashada dalka iyo ka dhabaynta himillada ku aaddan Soomaaliya horumarsan, amni ah oo dadkeedu nolol wanaagsan ku haystaan.

“Waxaan rabaa inaan halkan ugu mahadceliyo shacabka reer Garoowe iyo Puntland, Madaxweynahooda iyo dowladdooda, sida wanaagsan ee walaaltinnimada leh, Soomaalinnimadu ku jirto ee ay aniga iyo wafdigayga noo soo dhaweeyeen. Runtii waxay ahayd wax aad iyo aad loogu farxo oo aan mar walba ka filaayey dadka reer Puntland ee nabadda jecel.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay dardar geliso xoojinta wada shaqeynta Hay’adaha heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, loona kaabo shaqadooda, si loo mideeyo qorsheyaasha iyo dadaallada horumarineed ee dalka, looguna adeegomuwaadiniinta Soomaaliyeed ee u hamuun qaba dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash),masuuliyadda adag ee loo doortay, uuna waafajiyo dhammaan wixii dan u ah shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey kulamadii miro-dhalka ahaa ee Garoowe uu kula soo qaatay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, culumada, duubabka dhaqanka, waxagardkii iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

DHAMMAAD

24a2a3d3-0d44-40ca-8403-ecf17fea1cda
5066d36b-feb0-4055-801e-0f100e867227
433147b0-c7ef-4df6-abcf-26cd1417b91d
7a4917fb-f46e-4561-8ffd-5e3a73b3ada4
Madaxweyne Farmajo iyo Isimada Sool-4
Madaxweyne Farmajo iyo Isimada Sool-6
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Isimadda Puntland -1
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey Isimadda Puntland -2
eae69591-a1ed-467e-82b1-fe71b3d178a9

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.