Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo kumannaan shacab ah kala qayb galay xuska 1da Luuliyo...

Madaxweyne Farmaajo oo kumannaan shacab ah kala qayb galay xuska 1da Luuliyo ( DAAWO SAWIRADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa xusay dadaalkii jiilkii xorriyadda iyo dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo inooga tagay dhaxal muhiim ah oo aynu mar labaad ka unki karno qaran magac iyo miisaan ku dhex leh caalamka.

“Waxaan leennahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna.”

Intii ay munaasabaddu socotay, waxaa gaardis ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo uu Madaxweynuhu ka qaatay salaan sharaf, halka ay goobjoog ahaayeen kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay xuska maalintan.

Sidoo kale, waxaa iyaguna madasha socod ku maray Shaqaalaha Dowladda iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah oo sitay boorar ay ku xardhan yihiin halku-dhigyo ay ku xoojinayaan midnimada iyo dowlad wanaagga.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamuusaya halyeeyada Soomaaliyeed ee wiilasha iyo gabdhaha lahaa ee naftooda u huray xornimada iyo midnimada dalka ayaa subaxnimadii hore ubax dhigay Tallaada Daljirka Dahsoon.

 

 05A0597
 05A0617
 05A0605
 05A0683
IB0A0689
 05A0664
 05A0628
 05A0609
 05A0602
 05A0581
IB0A0567
IB0A0580
IB0A0634
IB0A0613
IB0A0584
IB0A0636 copy
 05A0533
IB0A0649 copy
IB0A0707
IB0A0776
IB0A0496
105A0507
IB0A0518
 05A0552
 05A0499
 05A0545

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.