Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta galinka danbe waxaa la filayaa inay gaaraan magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Magaalada Caabudwaaq waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha.
Waxaa la filayaa marka uu Madaxweynaha tago magaalada Caabudwaaq in uu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxagaradka iyo Dhalinyarada.
Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.
Ammaanka Magaalada Caabudwaaq ayaa si aad ah loo adkeeyay, Ciidamo horudhac u ah safarka Madaxweynaha ayaa gaaray Caabudwaaq.
Qaar ka mid ah wariyayaasha la socdo ayaa durba u duulay magaalada Muqdisho