Home Afsomali Madaxweyne Farmaajo oo la filayo in uu u duulo dalka

Madaxweyne Farmaajo oo la filayo in uu u duulo dalka

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu dhawaan safarkii ugu horreeyay ee dibadda ah tan iyo doorashadiisii uu ka baxo dalka Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa waxaa uu Caleemasaarkiisa kaddib u dhoofi doonaa dalka Sucuudiga,waxaana uu halkaas u aadayaa safar ujeeddo badan.

Kaddib doorashadiisii waxaa qadka Taleefanka kula xiriiray boqorka Sucuudiga Salmaan,waxaana uu ku casuumay in uu Magaalada Riyaad iga qeyb galo shirk Waddamada Iskaashiga Islaamka ee ka dhacaya Riyaad,sidoo kale waxaa xogtu sheegeysaa in madaxweynaha uu soo cumreysanayo.

Safarka Sucuudiga kaddib waxaa la filayaa in uu Waddamo kale tago oo uu horay u soo maro.

Madaxweyne Farmaajo,waxaa uu ololihiisii sheegay in Safarkiisa dibadda uu aad u yaraan doono haddii loo doorto madaxweyne inta badanna ka shaqeyn doono Danta Shacabka.

Sidoo kale waxaa jira casuumaad rasmi ah oo Madaxweynaha la soo gaarsiiyay, kaasoo ay kaga timid Boqorka dalka Sacuudiga Carabiga Boqor Salmaan oo todobaadkii hore Taleefan kula soo hadlay, markii loo doortay xilka Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan ayaa kulan gaar ah yeelan doono marka uu tago Sacuudiga, sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu tago dal labaad oo Carbeed oo ka mid ah dalalka Khaliijka.

Boqorka Sacuudiga ayaa ahaa Madaxdii u horeysay ee carbeed ee toos hambalyo ugu soo dira Madaxweynaha la doortay, iyadoo Sacuudiga uu daneynayo xiriir wanaagsan uu la yeesho Madaxweynaha cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu todobaadyada soo socda ka qeyb galo shir madaxeedkiisii u horeeyay, tan iyo markii xilka loo doortay, waxaana magaalada Riyadh uu kaga qeyb geli doonaa shirka dalalka Iskaashiga Islaamka.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa la soo gaarsiiyay casuumaado uga timid dalal dhowr ah oo uu booqasho rasmi ah ku tago doono, kaddib marka la caleema saaro iyo marka uu Ra’iisul Wasaare magacaabo, sida ilo lagu kalsoonaan karo inoo xaqiijiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.