Home Afsomali Full VIDEO Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Taallooyin taariikhi ah oo...

Full VIDEO Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Taallooyin taariikhi ah oo lagu soo nooleeyey Barnaamijka Isxilqaan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray taallooyinka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo dhammaantood dib u dhis iyo dayactir lagu sameeyey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda astaamahan iyo casharrada ma guurtada ah ee shacabka Soomaaliyeed ay waqti kasta kala bixi karaan sooyaalkeenna ay ku suntan yihiin midnimada iyo geesinimada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa mid mid uga dul-istaagay taariikhda bidhaameysa ee halyeeyadan, waxa uuna Alle uga baryey dhammaantood in uu ka abaal mariyo halgankii xornimadoonka ahaa iyo in ay naftooda u hureen si dadkooda iyo dalkooduba ay xor u ahaadaan.

“Dalkeennu waxa uu leeyahay halyeeyo badan oo ay tusaale u yihiin halgameyaashan aan maanta maamuuseyno, waxaan rajaynayaa in aan wado xusno si la mid ah taalooyinka maanta halyeey kasta oo dalkeenna wanaag ku daray. Dhammaan halyeeyadii naftooda u huray xornimada dadka Soomaaliyeed waxa ay naga mudan yihiin maamuus iyo duco.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay sii amba-qaadaan halgankii halyeeyadooda, kana miro dheliyaan hiigsigii ay naftooda u horeen oo ku saleysan midnimo, wax-wadaqabsi iyo in ay noqdaan dad iyo dal miisaankooda ku leh dunida.

“Dhammaan Halyeeyadan waxa ay ka wada shaqeynaayeen xornimada dalka, gumeysiga, quursi iyo qabjabka in uu dalkeennu ka xoroobo, sidoo kale dadkeennu ay qabyaalad ka xoroobaan, taas ayaana sabab u noqotay in aan yeelanno Qaran haybad, sharaf iyo maamuus kulahaa caalamka. ”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay Barnaamijka Isxilqaan oo horseeday in dib loo dhiso, laguna dayac tiro goobahan taariikhiga ah ee ku burburay dagaalladii sokeeye iyadoo kuwo kale oo haatan gabo gabo maraya, waxa uuna uga mahad-celiyey muwaadin kasta oo xooggiisa iyo xoolihiisaba geliyey dib u dhiska dalka.

IB0A8995
IB0A8399
IB0A8435
105A8805
IB0A8440
IMG 6958
IB0A9001
IB0A9025
105A8832
IB0A8855
IB0A8427
105A8814
IB0A9001
IMG 6985

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.