Home Afsomali Madaxweyne Guudlaawe oo sidii qof caadi ah Neef Geel ah ugu deeqay...

Madaxweyne Guudlaawe oo sidii qof caadi ah Neef Geel ah ugu deeqay ciidan dagaal kula jira Al Shabaab

Madaxweynaha  HirshabeelleMudane Cali Guudlaawe Xuseen oo xoojinaya howlgalka lagu ciribtirayo Kooxda Al Shabaab ayaa  deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada dib u xoreynta ee sugan deegaanka Nuur-Dugle

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee fadhigoodu yahay deegaanka Nuur Dugle ayaa ku bogaadiyay si nafhurnimada leh ay isaga dulqaadeen cadowga Al Shabaab , isagoo xusay in maanta looga baahan yahay baabi,inta cadowgaan dhibka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay inay u taagan yihiin xoojinta iyo dhiirigalinta ciidamada ,isagoo xusay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ay wajihi doonaan ciribtirka Al Shabaabka ku dhuumaaleysanaya deegaanada u dhaxeeya Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan dhiirigalinta ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee u taagan baacisiga kooxda Al Shabaab.
https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.