Home Afsomali Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Magacaabay Guddoomiye Ku-Xigeen Cusub

Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Magacaabay Guddoomiye Ku-Xigeen Cusub

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magacabay Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Galgaduud, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa Xasan Muuse Samatar u magacaabay inuu noqdo Guddomiye ku-xigeenka Gobolka Galgaduud, isla markaana wuxuu bedelayaa Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee xilkaas haayay.

Cali Daahir Ciid ayaa faray dhammaan laamaha amniga dowlad Goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan Mas’uulka cusub ee la magacaabay, sidoo kalena waxaa Xasan Muuse Samatar lagu amray inuu guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.