Home Afsomali Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa oosafar dhulka ah ku gaaray degmada Cadaado,...

Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdigiisa oosafar dhulka ah ku gaaray degmada Cadaado, una gudbay..

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmdug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goor dhaw safar dhulka ah ku gaaray magaalada Cadaado ee goobolka Galgaduud.

Qoorqoor ayaa si toos ah ugu gudbay garoonka ciyaaraha Cadaado oo ay ka socoto cayaarta kama dambaysta ah ee tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug oo u dhexaysa Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan mas’uuiyiin ka tirsan dowladda FS iyo golayaasha dawlad goboleedka Galmudug ayaa daawanaya qaybta dambe ee cayaarta, waxaana caawa Cadaado lagu qabanayaa munaasabad wayn oo koobka lagu guddoonsiinayo kooxda tartankan ku guuleysata.

Qoorqoor oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Aqal ee  Baarlamaanka DFS iyo sidoo kale xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Galmudug ayaa kormeer ku soo maray Degamada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud. halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen bulshada degaanka qaybahooda kala duwan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kulan qado ah la qaatay maamulka degmada Godinlabe, kaas oo looga hadlay horumarinta degmada oo adeegyada bulshadu ugu horreeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.