Home Afsomali Madaxweyne Ruto oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Kenya

Madaxweyne Ruto oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Kenya

Madaxweynaha dawladda Kenya mudane William Ruto ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo uu maanta waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomya qasriga madaxtooyada dalkaas madaxweyne William Ruto

Magacaabista Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa wadda wanaagsan u jeexi doonta xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya,maadaama uu yahay shaqsi galaangalka xoogan ku leh Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda cagta saaray waddo horay loogu sii qaaday xasilooni siyaasadeed,waxaana magacaabista Jabriil Ibraahim Cabdulle si wayn u soo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.