Home Afsomali Madaxweyne Trump oo diiday inuu cadeeyo mowqifkiisa doorashada soo socota ee Mareykakanka

Madaxweyne Trump oo diiday inuu cadeeyo mowqifkiisa doorashada soo socota ee Mareykakanka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka oo xil haya oo diida inuu sii sheego inuu aqbali doono Natiijada Doorashada Madaxweynaha oo dhaceysa bisha November.

Trump oo wareysi siinayey telefishinka Fox ayaa la weydiiyey inuu aqbali doono natiijada hadii uu doorashada Madaxweynaha uga guuleysto ninka la tartamaya ee xisbiga Dimuquraadiga Joe Biden.

Hadalada Trump ayaa kusoo beegmayo xili la saadaalinayo in Murashaxa Dimuquraadiga Joe Biden uu dhanka taageerada uga horeeyo Madaxweynaha xilka haya tani oo walaac weyn ku heysa xisbi xaakimka Jamhuuriga.

Xafiiska Joe Biden oo ka jawaabaya diidmada Donald Trump ayaa sheegay in Dalka Maraykanka uu shuruuc leeyahay, isla markaana ay Shacabka dooran doonaan.

Madaxweynahooda, cidii isku dhajisa Aqalka Cad in banaanka looga tuuri doono.

Donald Trump ayey taageeradiisa hoos usii dhaceysay tan iyo horaantii sanadkan, waxayna dad badan ku dhaliilayaan qaabkii uu u wajahay kahor taga cudurka Covid19 oo xiligan faro-ba’an ku haya dalka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.