Home Afsomali Madaxweyne Xasan la kulmay Dhigiisa Ciraaq kalana hadlay arrimo muhiim u ahaa

Madaxweyne Xasan la kulmay Dhigiisa Ciraaq kalana hadlay arrimo muhiim u ahaa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaaq Mudane Abdul Latif Rashid oo hoggaaminayey wafdiga dalkiisa ee ka qeyb-galay shirka dalalka Islaamka.

Kulanka labada madaxweyne ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo sidoo dowladad Ciraaq casharo uga siin laheyd Soomaaliya si ay uga adkaadeen kooxihii hubeysnaa ee dalkaasi awoodiisa mar la wareegay.

Soomaaliya iyo Ciraaq oo halgan kula jira argagixisada weerarka ku ah dalalkooda ayaa ka wada-hadlay is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalkan, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada shacab ee walaalaha ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa kulamo duceedyo la yeeshay qaar kamid ah madaxda Carbeed ee ka qeyb galeysa shirka, waxa uuna kala hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka dalalkaasi kala dhaxeeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.