Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa aroonka diyaaradaha magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kuxigeenkiisa iyo Masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Puntland & qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Garoowe oo laba maalin qaadan doona ayaa ujeedkiisa waxaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland & sidii xal looga gaari lahaa tabasho ay qabaan madaxda Puntland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doona madaxda sare ee Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana Maanta siweyn loo adkeeyay Amniga Magaalada Garoowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.