Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay diidmadii Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay diidmadii Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Dowlad goboleedka Puntland, kaas oo ay diidmo uga muujiyeen arrimaha Shidaal Baarista Soomaaliya.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayay Kulan uu la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa sheegay in markii madaxda Soomaalida ay horay u qaadayaan arrimo la xiriira horumarka Soomaaliya ay jiraan dad dagaal adag kala hor-imaanaya, hayeeshee u baahan tahay sabar xoogan.

Waxaa uu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in geesimo la muujiyo oo aan la cabsan taasi ay qeyb ka tahay mushkilada Soomaaliya xilligaan heysta dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca siyaasadda.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku badan tahay diidmo la xiriiro arrimaha Shidaal baarista, balse dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in waxkasta oo dalka fursad u ah in la furo si looga faa’iideysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.