Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in qofkii ka tanaasula Al-shabaab uu xil...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in qofkii ka tanaasula Al-shabaab uu xil sare ka qaban karo dowladda sida wasiir ama ka wanaagsan

Madaxweynaha Soomaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay magaalada Dhiuusamareeb oo uu hadda ku suganyahay, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira ururka Al-Shabaab.

Mar uu ka hadlayay qofka ka soo goosta Al-shabaab kana tanaasula fikirkooda, ayaa waxaa uu yiri;

‘Anaga nimankaas waa wiilasheeni, waa gabdhaheeni, keliya waxaan isku haysanaa fikirka Al-Shabaab. Fikirka haduu ka tanaasulo, berri ayuu madaxweyne ka noqon karaa Soomaaliya, wax u diidayana ma jiraan’.

Madaxweyne Xassan, ayaa dhanka kale sheegay inay dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wadahadal lala yeesho shabaab, balse iyaga aanay ogolayn.

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.