Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheikh oo Kismaayo ciidamo tababar ugu soo xirey ( DAAWO...

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Kismaayo ciidamo tababar ugu soo xirey ( DAAWO SAWIRADA )

xasan-xooga-dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tagay xerada ciidamada Qaranka ee Qeybta 43-aad ee duleedka magaalada Kismaayo.

Ciidamada uu madaxwaynuhu booqday, ayaa wuxuu tababar uga socdaa duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha, ayaa khudbad uu u jeediyey ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan qaybtan 43-aad, wuxuu ku ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaallo kooxaha Nabad-Diidka ah ay kaga xorreeyeen degaanno ka tirsan Jubbaland.

Sidoo kale Madaweynaha, ayaa sheegay in dhammaan ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan gobollada Soomaaliya ay degaanno badan ka sifeeyeen kooxaha Nabad-Diidka, islamarkaana degaanno kale wali ay ku baacsanayaan.

“ Waxaa waajib idinka saaran yahay difaaca dalka iyo inaad ka xorreysaan kooxaha Nabad-Diidka meelaha ay ka joogaan degaannada Jubbland, xaq ayaad ku dagaallameysaan, idinka ayaana guuleysanaya sida haddaba aad guulo badan u gaarteen” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha, ayaa u sheegay in afartiii sanno ee la soo dhaafay ay dowladda Soomaaliya ahmiyadda koowaad siisay ciidamada qalabka-sida, isla markaana horumar iyo guulo badan oo dhanka dhismaha iyo daryeelka ciidamada la gaaray, wax badanna daruufaha jira darteed ay u saamixi waayeen.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha wuxuu u ballan-qaaday dhammaan ciidamada Soomaaliyeed ee qalabka-sida, haddii afarta sanno ee soo socota Allaah mar kale ku guuleeyo hogaamina dalka, in uu mar kale ahmiyadda koowaad siinayo amniga si ciidamada loo gaarsiiyo heerkii looga baahnaa in uu gaaro ciidan Qaran, oo xuquuqdooda oo dhan u dhamays tiran yihiin.

Wuxuuna Madaxweynuhu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho

IB0A2369IB0A2269IB0A2397IB0A2414IB0A2312IB0A2258
-Dhammaad-

hanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.