Dawladda Itoobiya ayaa tan iyo markii ay isku dhaceen Ereteriya waxay si buuxda u isticmaalaysay dekedaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Markii sanadkii hore dawladda Itoobiya saami 19% ah laga siiyay dekedda Berbera waxa muuqatay in dekedda Jabuuti wajahayso tartan waxaana taas xigtay Itoobiya oo dekedaha Suudaan iyo Kenya heshiisyo la gaadhay hase ahaatee waxa arrimahaasi u kala raray heshiiska lama filaanka ahaa ee Ereteriya iyo Itoobiya taas oo loo arko in dekedaha Ereteriya oo ay hore ugu xidhnayd Itoobiya mar kale maroorsan doonanto isticmaalkeeda dekedaha, taasna ay saamayn doonto dekedaha Jabuuti iyo Somaliland ee ku xisaabtamayay suuqa Itoobiya oo aan bad lahayn.
Tifaftiraha Africa ee BBC-da Mary Harper waxay sheegtay in aanay Itoobiya ku sii tiirsanaan doonin dekedaha Jabuuti “Markabka ganacsi ee Mekelle oo Itoobiya leedahay ayaa ku xidhay dekedda Masawa ee Ereteriya 20 sanno kadib. Waddanka aan badda lahayn ee Itoobiya intaas ka badan kuma sii tiirsanaan doono dekedaha Jabuuti,” sidaas ayay ku sheegtay boggeeda Twitter-ka oo ay ku faafisay sawirro muujinaya Masawa oo ah meel qadiim ah.
Dadka siyaasadda odorosa ayaa u arka in aanay Somaliland iyo Jabuuti la jaanqaadin isbedellada ka socda Geeska Afrika, siiba isku xidhnaanta dalalka Itoobiya, Ereteriya iyo Somalia. Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arrimaha Geeska ayaa aamminsan in aanay Itoobiya marnaba lumin doonin xidhiidkeeda Somaliland oo Istiraatijiyad ku qotoma laakiin, ilaa hadda ma muuqato qawl ama ficil ka soo baxay nidaamka cusub ee Itoobiya oo ku aaddan xidhiidhka Addis iyo Hargeysa.
Arrinta xusidda mudan ayaa ah in dawladda Jabuuti hore uga qarracantay Soomaaliya oo xidhiidh fiican la yeelatay Ereteriya oo Jabuuti ay dhul ku muransan yihiin. Inkasta oo Farmaajo bookhday Jabuuti haddana ma muuqdo wax isbedel ah oo ku yimid arrimaha Jabuuti diidanayd ee ah in aanay Soomaaliya la safan Ereteriya ee ay Jabuuti barbar istaagto.
Waxa kale oo jira aragtiyo ku saabsan in Imaaraadku wado isku xidhka Ereteriya iyo Itoobiya, halka labadan dal laftoodu duufsadeen Soomaaliya iyada oo ujeedka Imaaraadku yahay gadoominta Jabuuti oo ay isku fahmi waayeen saamiga DP World. Isbedellada kolba jirjir dhigaya ee Geeska ayaan la saadaalin Karin saamaynta ay ku yeelan karaan Jabuuti oo sidoo kale loolanka Shiinaha iyo reer Galbeedku hadheeyay.