Home Afsomali Maraykanka iyo Britain oo culeys saray rakaabka wadamo gaar ah kaga...

Maraykanka iyo Britain oo culeys saray rakaabka wadamo gaar ah kaga imanaya

Waxaa dhaqangalay go’aankii ay Maraykanka iyo Britain laabtoobyada iyo tablet-yada kaga mamnuuceen in lagu isticmaalo gudaha diyaaradaha kaga imaanaya Turkiga iyo dalal kale oo Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ku yaalla.

Saraakiil ayaa sheegay “in wixii ka wayn taleefanada caaqilka ah” ay waajibtahay in la galiyo qaybta boorsooyinka waawayn la galiyo oo dadku aysan gudaha ula galin diyaaradda, sababta ayayna ku sheegeen in ay sare u kacday in halista ah in waxyaabaha qarxa lagu qarinkaro.

Ugu yaraan hal diyaaarad ayaa dadka u ogolaanaysa in ay dadku laabtoobyadooda isticmaali karaan tan iyo inta ay ka fuulayaan diyaaradda.

Mamnuucitaanka Maraykanka ayaa saamaynaya 8 dal, laakiin mamnuucitaanka Britain ayaa saamaynaya lix dal oo kali ah.

Sagaal shirkado diyaaradeed oo laga leeyahay siddeed dal oo kala ah Turkiga, Marooko, Jordan, Masar, Isutagga Imaaraaadka Carabta, Qadar, Sacuudi Carabiya, iyo Kuwayd ayuu saameeyay go’aankan Maraykanka. Konton duulimaad ayay diyaaradahaasi ku tagaan Maraykanka maalinkaste.

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates ee laga leeyahay dalka isutagga Imaaraadka Carabta dadka siinaya fursad ay ku sii isticmaali karaan qalabkooda tan iyo inta ay ka galayaan diyaaradda markaas oo laga qaadayo si loogu xareeyo.

Taas ayaa ka dhigan in dadka Maraykanka u safraya ee siimaraya Imaaraadka ay duulimaadka koobaad sii adeegsan karaan. Balse laga xarayn doono marka ay Dabay ka sii baxayaan.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.