Home Afsomali Mareykanka oo dadkiisa ka qaxinayo Kaabul oo daalibaan u gacan gashay

Mareykanka oo dadkiisa ka qaxinayo Kaabul oo daalibaan u gacan gashay

Wararka ka imaanaya Dalka afganistaan ayaa sheegaya in ay gudaha u galeen Xoogaga Taalibaan Gudaha magaalada Kabul saakay waabarigii.ayna gudaha u galeen xaafado ka tirsan caasimada, ayna isku fidiyeen agagaarka magaalada oo dhan.

Cabsi aad u xoogan ayaa haatan ka taagan Kabul, waxaana sidoo kale la xiray dhammaan xafiisyadii dowladda iyo xarumihii ganacsiga, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Sidoo kale ABC News ayaa ku warrantay in maanta la kiciyey diyaaradaha Mareykanka, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud iyo dagaalka u soo gudbay gudaha magaalada Kabul.

Dhinaca kale diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dhankooda billaabay inay daad gureeyaan diblumaasiyiinta, iyaga oo ku dagaya dhismaha safaaradda Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.