The White House has signed off on a Pentagon proposal to allow the head of the U.S. Africa Command to launch an offensive campaign against the Al-Shabaaab militant group in Somalia, clearing the way for more airstrikes and a more active presence of U.S. Special Operations Forces on the ground. The order clears the way for a stepped-up military campaign in the country where American aircraft and ground forces have for years launched intermittent strikes against the group, claiming they were in “self-defense” of U.S. advisors or their Somali counterparts.
Two defense officials confirmed to Foreign Policy that parts of Somalia are now considered what the Pentagon calls an “Area of Active Hostility,” which allows commanders more leeway to strike targets they believe are affiliated with the group. It remains to be seen how active American forces will be in Somalia, where dozens of U.S. commandos already operate. But the order, first reported Thursday by the New York Times, gels with an increasingly forward-leaning posture in Yemen, where President Donald Trump also recently signed an order allowing for more U.S. military action.
American forces have been increasingly active in Somalia in recent years. The Obama administration never abandoned its “signature strike” bombing program in either Somalia or Yemen, which allowed for U.S. drones and manned aircraft to target groups of men who merely showed signs and behaviors of belonging to terrorist groups. The largest of those strikes came in March 2016, when U.S. warplanes bombed an Al-Shabaab training camp north of Mogadishu, killing what the Pentagon estimated were about 150 militants.
Go’aankan ayaa waxa ay taliyaasha ciidamada Maraykanka ee Afrika ka howlgala ay awood u siineysaa inay qaadi karaan weeraro duqeyn cirka ah iyo weliba sidoo kale weeraro dhulka oo lagu qaado ururka isbahaysiga la ah Alqaacida ee Alshabaab.
Mr Trump ayaa saxiixay wareegto qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya lagu sheegay inay yihiin meel ay ku xoogan yihiin wax loogu yeeray Cadowga,halkaa oo ah Aag Dagaal iyadoo xeerkan ay hirgelintiisu ay soconayso ugu yaraan 180 maalmood oo la mid ah lix bilood.
Wargeyska The New York Times ayaa daabacay in loo gudbiyay Madaxweyne Trump 12kii March ee sanadkan in uu dabciyo sharciyada awood u siinaya ciidamada Maraykanka in ay ka howlgalaan dalka Soomaaliya. General Thomas D. Waldhauser oo ah taliyaha Africa Command ayaa arrintan meel fagaare ah ka sheegay 24kii bishan.March.
Iyadoo markii hore ay ahayd in Madaxweynuhu uu fasaxo weeraro gaar ah oo la qaadayo ayaa hase ahaatee sharcigan waxa uu siinayaa ciidamada Maraykanka in ay duqeyn karaan dadka ay uga shakiyaan inay yihiin Alshabaab.
Sharciyadan ayaa waxa ay oggolaanayaan in weerarada ay ku dhiman karaan dad rayid ah waxana sidoo kale sharciyadan uu Madaxweyne Trump ku soo rogay dalka Yemen waxyar kadib markii uu talada dalkiisa la wareegay.
Sharciyadan cusub ee Madaxweyne Trump uu ugu fasaxayo ciidamada inay siday doonana u adeegsadaan awoodaada ayaa horaantii bishan waxaa ay sababtay in boqolaal ruux oo rayid ah ay duqeyn ugu dhintaan magaalada Mosul ee dalka Ciraq halkaa oo dagaal loogaga horjeedo dagaalyahanada IS ay ka soconayaan.
Go’aanka Madaxweyne Trump uu ku fududeeyo in weeraro lagu qaadi karo dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo abaar daran ay ka jirto inta badan dalka Soomaaliya taasoo sababtay in qoysas badan ay ka barakacaan deeganadoodii kadib markii ay abaarta ku xoolo beeleen.
Dagaalada lagula jiro Alshabaab ayaa Maraykanka waxa uu kordhiyay duqeyn uu ka geysanayo dalka Soomaaliya iyadoo boqolaal ciidamo gaar ah oo Maraykan ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya iyadoo lagu sheegay inay ciidamadan tababarayaan Milatariga Soomaaliya iyo weliba iyagoo la taliyayaal u ah ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0