Home Afsomali Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Baydhabo

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Baydhabo

Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Maanta ka furmay shirka Golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga hadlayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Inta uu socdo shirka ayaa Madaxda waxaa ay is dhaafsanayaan aragtiyo ku aadan qodobada ay ka hadlayaan, iyada oo uu shirka ka maqan yahay Madaxweynaha Puntland oo Maalin ka hor safar dalka dibadiisa ah u ambaxay.

Madaxda ayaa sidoo kale kulamo gooni gooni ah yeelan doona, waxaana la filayaa in geba-gabada shirka laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen, iyada oo shirkaan uu yahay kii 9aad ee u qabsooma muddo 10 Bilood gudahood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.