Home Afsomali Dilal ka dhacay degmooyin katirsan Gobolka Galgaduud & xiisad ka dhalatay

Dilal ka dhacay degmooyin katirsan Gobolka Galgaduud & xiisad ka dhalatay

Wararka naga soo gaaraya degmooyinka Cabudwaaq iyo Ballanballe ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta ay halkaasi ka kala dhaceen dilal & dhaawac loo geystay dad Shacab ah

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in ay Nin Xoolo Dhaqato ahaa ay ku dileen degaanka  yoocaale oo u dhaxeeya degmooyinka Balanballe iyo Xeraale halka mid kalena dhaawac daran soo gaaray.

Goobjoogayaal ayaa somalisan  u sheegay in raga dilka geystay oo ku hubeysnaa Qoryaha AK47 ay goobta ka baxsadeen, iyada oo qofka lagu dhaawacay weerarkaas oo dhaawiciisa culus yahay la geeyay Isbitaalka degmada Ballanballe.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dilkaan iyo dhaawacaaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan degaano katirsan Gobolka Galgaduud, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dhawaan heshiis la kala dhex-dhigay beelo ku dagaalamay degaano hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale rag hubeysan ayaa Degmada Caabudwaaq ee isla Gobolka Galgaduud  kuu dilay Cawil dhagruur oo kamid ahaa dhalinyarada Degmada, waxaana taliska Booliska degmada ay sheegeen inay dad u soo qabteen dilkaas.

Dilalka ka dhacaya degaannada Galmudug ayaa aad u kordhay sanadihii la soo dhaafay, waxaana laamaha Amniga iyo Madaxda Galmudug ay ku guul dareysteen inay waxka qabtaan dilalkaas.

Previous articleQ-347=Xildhibaanoow Sharci in aad Ansixisaan waa loo baahan yahay, laakin Iska Akhriya=
Next articleShirka Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.