Home Afsomali Mareykanka oo taageero horleh u ballan qaaday Soomaaliya

Mareykanka oo taageero horleh u ballan qaaday Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry Andre.

Shirkaan oo qaatay saacado ayaa waxaa looga hadlay xoojinta maalgashiga iyo dadaallada wax soosaar ee Beeraha Soomaaliya, iyadoo Safiirku uu xusay in hay’adda Maraykanka u qaabilsan hormarinta ee USAID ay taageereyso hormarka ay wasaaradu ka samaysay dhiirigalinta Beeraleyda, koboca waxsoosaarka, iyo siyaasada maalgashiga dalka.

Wasiir Axmed Baashi ayaa Safiir Larry iyo Dowladiisa Maraykanka Waxaa uu uga mahadceliyay taageerada ay mar kasta la garab-joogaan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka kujira dalka iyo in la maalgashado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.