Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Lagu Qabtay...

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Lagu Qabtay W. Arrimaha Gudaha ( DAAWO SAWIRAD )

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirka Siyaasadda Loo Dhanyahay Oo Lagu Qabtay W. Arrimaha Gudaha
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka siyaasadda loo dhanyahay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo lagu soo bandhignay qabyo-qoraalka Hannaanka Dib-u-heshisiinta Qaranka oo faahfaahsan.
Kulanka maanta lagu qabtay wasaaradda ayaa bilaaw u ahaa kulamada Tubaha qaranka oo loo wareejiyay xarumaha wasaaradaha si loo daadejiyo awoodda shaqaduna degdeg ugu socoto, maadaama xukuumaddu ay Sanadka 2019 u qorsheysay guda galidda fulinta qorshayaasha Tubaha Qaranka oo ah hannaanka ay dowladda Soomaaliya muwaadiniinta ku gaarsiineyso adeegyada aasaasiga.
Wasiika arrimaha Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng Cabdinaasir Daahir Sabriye ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in ay nasiib u yeeshaan in kulankii ugu horreeyay ee Tubaha lagu qabto wasaaraddooda, maadaama ay hoggaan u tahay tubta Siyaasadda loo dhan yahay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha Halbeegyada ku leh tubta waxa uu faray in ay dardar-geliyaan hawlaha u yaalla si loogu guulayso himilooyinka tubta, isaga oo hoosta ka xariiqay in uu jiri doono isla xisaabtan joogta ah oo lagula soconayo sida howluhu u socdaan.
Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ayaa waxaa qayb ka ah Qaan-gaarsiinta nidaamka Federaalka, dhameystirka nidaamka dib-u-heshiisiinta, Dhameystirka Qabyo qoraalka dastuurka, Diyaarinta hannaanka iyo qorsheynta doorshooyinka 2020 iyo Xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo iskaashi danta Soomaaliya ku jirto oo aan dunida inteeda kale la yeelanno.

 

0S9A8830
0S9A8769
0S9A8799
0S9A8771
0S9A8893
0S9A8920
0S9A8934

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here