Home Afsomali Markii 14aad oo Mudo kordhin loo sameeyey Ciidamada turkiga ee ku sugan...

Markii 14aad oo Mudo kordhin loo sameeyey Ciidamada turkiga ee ku sugan Somaliya

Baarlamanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.

Waxay isku raaceen in inta laga gaarayo 10-ka Feberaayo 2023 ay ciidamadooda ku sugnaadaan Soomaaliya.

Madaxtooyada Turkiga ayaa ka codsatay baarlamaanka dalkaas muddo kordhinta Ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, badda iyo xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalka ciiddamada Turkiga ayaa ku ekaa ilaa bishan  Febraayo 10, 2022-ka.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka ciiddamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka qaataan tababarada ciidamada Soomaaliya.

Waa markii 14-aad ee Ankara ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horeysay ee uu meelmariyay  baarlamaanka sannadkii 2008-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.