Home Afsomali Marwo Samsam Ibraahim Cali oo ah Senatarkii ugu horreeyey ee haween ah...

Marwo Samsam Ibraahim Cali oo ah Senatarkii ugu horreeyey ee haween ah ee ka mid noqonaysa Aqalka Sare 

Marwo Samsam Ibraahim Cali oo ah Senatarkii ugu horreeyey ee haween ah ee ka mid noqonaysa Aqalka Sare

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Marwo Samsam Ibraahim Cali oo ah Senatarkii ugu horreeyey ee haween ah ee ka mid noqonaysa Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Sanatar Samsam waxaa lagu soo doortay magaaladda Baydhabo ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashada” ayuu yiri Madaxweynaha oo Sanatar Samsam ugu hambalyeeyey guusha ay ka gaartay doorashada

Doorashooyinka xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa ka socda inta badan dowlad goboleedyada dalka, marka laga reebo Hirshabelle.

Sanatar Samsam ayaa noqoneysa xildhibaankii ugu horeerey ee ka tirsan baarlamanka cusub ee Somalia oo la kulanta Madaxweynaha dalka oo ka mid ah msusharaxiinta u taagan doorashada Somalia.

Dhinaca kale. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta qadka teefoonka kula hadlay amiirka dowladda Qatar Shiikh Tamiim bin Xamad Al-thani, iyadoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ,Arrimaha gobalka iyo caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.