Home Afsomali Marwo Yusur Abraar Waxaa Lagu Xasuustaa Iney Diidey Boobka Xoolaha Umadda Halka...

Marwo Yusur Abraar Waxaa Lagu Xasuustaa Iney Diidey Boobka Xoolaha Umadda Halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku Caan Baxey Xatooyada Xoolaha Shacabka Soomaaliyeed

Marwo Yusur Abraar Waxaa Lagu Xasuustaa Iney Diidey Boobka Xoolaha Umadda Halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku Caan Baxey Xatooyada Xoolaha Shacabka Soomaaliyeed. ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Dhab ka Hadal ah oo ka Hadleysa Is Casiladii Marwo Yusur Gudoomiyahii Hore ee Bangiga Dhaxe iyo Xaqiiqooyinkii ku Wareegsanaa Arimahaas )
===========================================================
Shacbiga Soomaliyeed tan iyo intii ay dhalatey dawladii ugu horeysey markii Xornimada la qaatey Sanadkii 1960,kii ilaa maalinkan maanta ah dawlada iney iyaga leeyihiin waa Liqi weysan yahiin ama waa ay ka daadegi La,dahay waxeyna u arkaan dawladu iney u tahay Cadow sababtoo ah marka dhab loo hadlo shacbiga soomaaliyeed lama tusin Kalsooni dhab ah oo ay ku aaminaan xukuumadahooda. waxyaabaha la yaabka ah ee mudadaa dheer la arkayey waxaa ka mid ah iyadoo umadda soomaalida ay arkaan mar kastaba hogaamiyeyaasha majaraha u qabta xukunka dalka oo Cadaalad daro iyo Boob u geysta xoolahii umadda ka dhaxeeyey kuwaas oo Jeebabka Buuxsada.
Aan u soo daadego Dulucda qormadaane waqtigan iyo Madaxweyne xasan sheekh maxamud markaan eegno wax badan ayaa Ummadda Soomaliyeed laga gaday ama laga iibiyey in xasan sheekh aanu ahayn Nin xoolaha umadda dhaca. Waxaase xaqiiqa noqotey in taasu ay hartay.
Bal aan ugu horeyn eegno “ Xagee ka timid Fadeexadii Bankgiga Dhexe ee Soomaaliya oo dhacdey sanadkii 2013
Aan ku bilaabo nin ka mid ahaa ragii lugta weyn ku lahaa fadeexadaas boobka xoolaha umadda loo geysanayey ninkaas oo ah ganacsade ayaa waxaa lagu magacaabaa Muuse Ganjab.
Sidee isku Barteen Marwo Yusur Abraar iyo Ganacsade Muuse Ganjab.
Muuse Ganjab ninka la yiraahdo oo bilahii la soo dhaafey warbaahinta gudaha iyo tan dibada ay si weyn magaciisa u hadal hayeen waa ganacsade Madaxweyne Xasan Sheekh ay qaraabo yahiin waxaana uu ka soo jeedaa qoys caan ku ah dhinaca ciyaaraha.Mr ganjab iyo haweeneyda gudoomiyaha ka noqotey Bangiga Dhaxe ee Soomaaliya iskana casishey mudo gaaban ka dib yusur abraar waxey isku barteen dalka Gaaboon isagoo halkaas ku lahaa ganacsi uu ka mid yahay shirkad xaga Telefoonada ah waxaana dhacdey in yusur abraar ay hada ka hor shaqo u tagtay dalka Gaaboon shaqooyinkaas oo la xiriiray dhinaca Bangiyada.
Dhinaca kalena muuse ganjab iyo gudoomiyihii bangiga dhaxe ee is casiley Cabdisalaan Hadliye haatana ah wasiirka arimaha dibada dawlada soomaaliya waxey ahaayeen rag isku xiran waxuuna muuse ganjab uu Lug ku lahaa magacaabistiisii aheyd gudoomiyaha bangiga dhaxe ee soomaliya.
Waxyaabihii ugu waaweyn ee uu xilka bangiga dhaxe ku waayey Mr hadliye waxaa ka mid ahaa in isaga iyo labo ka mid ah shaqaalaha dowlada oo ka kala tirsan Wasaarada Gaashaandhiga iyo Wasaarada Maaliyada ayna is xigaan Madaxweyne Xasan sheekh in lacag 12 milyan oo Dolar ay bankiga kaga qaateen sifo sharci daro ah.
Markii ay fadeexadaas dhacdey oo gudoomiye Cabdisalaan Hadliye xilka uu iska casiley waxaa uu ganacsade Muuse Ganjab mar kale uu ku guuleeystay in yusur abraar loo magacaabo gudoomiyaha bankiga dhexe taariikhdu markey aheyd Bishii September 13,keedii sanadkii 2013,kii si uu meeshiisii uga sii wato boobkii dhaqaalaha wadanka waqti Mushaar la’aan ay heysey shaqaalaha dowlada iyo ciidamada.
Mr ganjab waxaa uu mar kale isku dayey inuu heshiis kula galo gudoomiye yusur abraar in isaga looga danbeeyo soo xareynta Lacagta Soomaliya ay laheyd ee dibada ugu maqan 20,kii Sano ee la soo dhaafay. waxaa sidoo kale hehiiskaas ku jiray kamaal Guutaale oo mar soo noqdey agaasimaha xafiiska Madaxweyne xasan sheekh waxuuna ninkaasi soo xir xiray heshiiska shirkad dhinaca sharciyada ka shaaqeysa laguna magacaabo Shulman Rogers oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka shirkadaas oo wada-shaqeyn ay ka dhaxeysey dowladda Soomaaliya.
Markii ay arintan ka shireen waxaa lagu heshiiyey in marwo yusur lagu war geliyo in Lacagtaas meel la isla ogyahay lagu shubo taasoo ah Account uu leeyahay muuse ganjab oo dalka koonfur afrika ah si Madaxweyne xasan sheekh uu s i gaar ah ugu furdaamiyo arimahiisa u gaarka ah.
Sida warar xaqiiqa ah ay sheegeen Madaxweynuhu arintaas wax buu ka ogaa. dadka dhacan xoolaha umadda soomaaliyeed u heshiiyayna Hareerihisa ayey fadhiyaan waana Qaraabo aan waxba laga qaban karin. yusur abraar markii ay aragtay boobka iyo qiyaas la’aanta meesh taalo iyo baaxada Lacagta ayey waxa isku dayday ina ay u sheegto Madaxweynaha maadaama uusan jirin Ra,iisal wasaare wax loo sheegi karo oo awood leh markaas.Waxaa hadaba dhacdey in qaar wasiirada xukuumadii Ra,iisal wasaare Saacid ka mid ahaa ay marwo yusur abraar u sheegeen in arintaan aanay waxba ka qaban Karin Madaxweynahana uu wax ka ogyahay kuna dhihi doono. la shaqee muuse ganjab tasoo Macnaheedu “yahay aniga ayuu iga wakiil yahay” markii ay arinta u sheegtayna sidii ayuu ku yiri Madaxweyne xasan sheekh.
Maxey aheyd sababtii ay la Carartay Marwo Yusur Abraar !
Waxaa dhacdey in yusur Rag madaxtooyda dowlada federaalka ah ay ugu hanjabeen in la dili doono hadii aysan Lacagta oo dhan ku shubin Account loo qoray ee first Rand bank orn Nedbank accounts .
Waxaa kaloo jirtey in waqtigii uu joogay gudoomiyahii iska casiley bangiga dhaxe Cabdisalan Hadliye lagula heshiiyey in Lacagta uu muuse ganjab ku yeesho 10% , Shulman, Rogers, Gandal, Pordy & Ecker 30% , Shaqsiyaad kale 30% percent . Dowlada Soomaliyeed wax ka yar 4%
Hadaba iyadoo xaalada halkaas mareyso ayaa waxaa yusur abraar ay xiriir hoose la sameeysay qaar ka mid ah saaxiibadeed kuwaasoo qaar ka mid ah ku dhiiri geliyey iney fuliso qorshaha uu wato madaxweynaha laakiin Rag Mucaarad ahaa kana soo horjeeday siyaasada xasan sheekh iyo Damu Jadiid ayaa waxey yusur abraar kula taliyeen inaanay ogolaan dhaca xoolaha ummadda soomaaliyeed waxaase gudoomiye yusur aysan marna ka fikirin in gabar xamar lagu dili karo waqti kasta. Marwo yusur iyadoo madaxeeda ay ka guuxayaan hanjabaada madaxtooyada uga timid ayey waxa ay markaa la xiriirtay safaardaha mareykanka ee Nairobi iyo Dubai kadib markii ay u dhaarteen wiillasha aan wax u taliya la aqoon ee xasan sheekh maxamuud uga shaqeeya madaxtoyada. Waxaana lagu waaniyey marwo yusur ina ay sida ugu dhaqsaha badan Xamar uga dhoofto saacado ka dibna dalka waa ay ka carartey waqtigaas waxaana yusur ay banaanka soo dhigtey Fadeexada ay la kulantey si gaar ahna ugu wajahaneyd madaxweynaha waxaaana dhacdey in lagu qal-qaaliyey in dib loogu caro celiyo Xamar si looga fushado howlaha dhaca iyo boobka Madaxtooyda laga abaabulo waana ay iska diiday Marwo yusur abraar waxaana ay si rasmi ah isku casishey Bishii november 1,deedii sanadkii 2013,kii iyadoo wararku ay waqtigaas sheegeen in muuse ganjab Xamar iskaga cararey kadib markii arintaan ay banaanka timid.Madaxweynuhu markii fadeexadu ay banaanka timid waxaaa uu codsadey in laga Aamuso oo aana laga hadlin kadibna ay iska dhiman doonto hadal heeynteeda bilaha soo socda.
Waxyaabaha Bulshada soomaaliyeed ay dhabanada la qabsadeen waxaa ka mid ah in Madaxweyne xasan sheekh maxamud wax qabad l’aantiisa iyo boobka hantida dadweynaha uu ku darsadey. Qaraabeeysi Beeleed, Qabyaalad umadda lagu qaybiyo ilaa Jufo Jufo iyo in laga fogaado Aqoon yahanada wadaniyiinta daacada ah ee dibada ka yimid iyo kuwa gudaha jooga maadaama aan la Qiyaami Karin, si fududna aan loo xakameeyn karin.
Waxaa kaloo xusid mudan in mushaarkii ciidamada qalabka sida ee bilihii Oktoobar, Nofembar iyo Disembar sanadkii 2013,kii oo gaaraya ilaa $8.4 malyan doolar la lunsaday. La isma weydiin! lacagahaasi waxaa soo qaaday sarkaalka lagu magacaabo Cabduqadir Macalin Nuur oo la ogyahay in uu si toos ah xasan sheekh ugu wareejiyey.Waxaa kaloo uu sarkaalkan maalin kasta dekedda muqdisho ka qaataa lacag dhan $31,000 kow iyo sodon kun oo doolar oo loogu talo galay raashinka iyo shidaalka ciidamada xooga dalka soomaaliyeed. Ciidamada dhowr bilood ka hor la ceyriyey waa ciidamadii dalbaday in la siiyo xuquuqdooda. Madaxweyne xasan sheekh in uu ciidamada dalka dhiso wuxuu ka door biday in uu cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya Soomaaliya ku soo hoggaamiyo.
Waxaa intaa dheer, waxaa jira xisaabaad (accounts) Bangi oo madaxweyne xasan sheekh ka furtay magaalooyinka Dubai, Qaahira iyo Istanbuul. Waxaa la ogyahay in dowladda Qatar ay lacag dhan $15 milyan oo doolar ugu shubtay xasan sheekh Bangi ku yaal Qaahira markii uu ka laabtay Shirkii London ee bishii Febaraayo sanadkii 2013,kii waxaana Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis Dam Jadiid u dhaqmaan sida NGO. Waxay la wareegeen dhammaan mashaariicdii ay dalka ugu deeqeen waddamada Carabta iyo Turkiga. Mashaariicda kale ee ay Damu jadiid lunsadeen lama koobi karo.
Guul Darooyinka ku habsadey shacbiga soomaaliyeed waxaa ka mid ah in marka horaba soomaali wax ka sugto Madaxweyne NGO ah, saaxiibadiis ay NGO, yihiin, inagoo og kuwa NGO ku shaqeysta in ay jecelyihiin inaan dowladi jirin waayo waxaa ay ku jiraan kaalintii dowlada oo wixii Soomaaliya loogu talo galayna waxaa qaybsada NGO iyo kuwa Beesha Caalamka wax u soo dhiibto ee degan magaalooyinka Nairobi, Addis-Ababa, Roma iyo Bruselles.
Waxaa haatan shacbiga soomaaliyeed u cadaatey in Madaxweyne xasan sheekh maxamud uusan aheyn masuul qaran ee uu yahay nin xoolo boob meesha u yimid sidoo kale marka la eego hab dhaqankiisa maahan nin raba inuu dowlad iyo nidaam dhiso ee waa nin rabo inuu soomaaliya dib uu ugu celiyo hogaamiye kooxeedkii la tir tiray Beeleeysi iyo Gumeeysi cusub oo uu soomaliya ku soo hogaaminayo. Hadaba xaalku waxuu taagan yahay soomaliyeey intaaas ha idinkaga filnaato Madaxweyne NGO,ah.
Marka leysku soo xooriyo xaalku waxuu taagan yahay wadaniyiinta soomaaliyeed waxa ay leeyihiin Madaxweyne xasan sheekhow waxaad ku caan baxdey musuq maasuqa iyo boobka xoolaha shacbiga dawladaaduna waa tii ugu musuq masuq badneyd dawladihii somaliya soo marey waxaadna taariikhda kaga qoran tahay “Baal Madow” kalana mudnidiin adiga iyo geesiyada soomaaliyeed marwo yusur abraar oo diidey iney dhinaceeda ka boobto xoolaha umadda soomaaliyeed ka dhaxeeya waxaana taariikhda somalida marwo yusur abraar ay kaga qoran tahay “Baal Dahab ah”.
Aqriste waxaan qormadan ku soo qatimayaa qeyb ka mid ah maanso uu tiriyey Abwaan Hadraawi oo uu kaga hadlay boobka raga madaxda ah sida madaxweyne xasan sheekh ay u geystaan xoolaha umadda ka dhaxeeya waxaana Abwaanka uu yiri:
Daaraha xusuustiyo, hadba midab la doortiyo.
Diirka lagu mariimoo, shanta daadsan yaaliin.
Deeqdaas la yaabka leh, duco waalid soo hoyn.
Carshigana kasoo degin, dal shisheeye loo tegin.
Duullaana loo gelin, ninka weel darsanayee.
Digashada saboolkiyo, ku darsaday bareeraha.
Miyaan eedi daba ool, godobtiisu dedanaa.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqiriyaan qormadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.