Home Afsomali Masar oo ciqaab daldalaad ah ku fulisay ilaa 15 baxbuus oo dilsugayaal...

Masar oo ciqaab daldalaad ah ku fulisay ilaa 15 baxbuus oo dilsugayaal ahaa

Sida ay xaqiijisay hay’ad ka hadasha arimaha xuquuqda Aadanaha ee dalka Masar, magaceedana la yiraahdo ” We Record” oo ah waan diiwaan gelinaa, waxaa nidaamka uu hogaamiyo Cabdil Fataax As-Siisi ee ka arimiya dalka Masar uu xukun dal dalaad ah ku fuliyay inkabadan 10 maxbuus oo kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Nidaamkaas.

Maxaabiista xukunka dal dalaadda ah lagu fuliyay ayaa waxay tiradoodu gaareysaa illaa iyo 15 maxbuus, waxaana dhabarka loo saaray eedeymo kala duwan oo dhamaantooda ka wada siman iney ka hor yimaadeen dowladda uu hogaamiyo Cabdil-Fataax As-Siisi ee afgembiga kula wareegay talada wadankaas.

Hay’adda We Record ayaa beenisay warar sheegyay in dadka xukunka dal dalaadda ah lagu fuliyay maalintii Sabtida ay tiradoodu gaareyso 2 ruux oo keliya, waxayna sheegtay in iyadu ay xaqiijisay in dadka uu Nidaamka Siisi dilay maalintii Sabtida ay tiradoodu dhantahay 15 ruux.

Ehellada dadkan uu laayay Nidaamka uu hogaamiyo Cabdil-Fataax As-Siisi ayay hay’adda ku wargelisay iney aadaan goobaha la dhigo meydadka ee taabacsan dowladda, si ay u aastaan dadkooda, waaba haddii uu ka ogolaado maamulka Cabdil-Fataax As-Siisi.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku eedayay maamulka Siisi in maxkamad la’aan ah uu dadka iska toogto, iyo dhanka kale garsoorkooda oo ah mid aan cadaalad ahayn, taaasina waa mida keentay in kumanaan ruux ay xabsiyada ku jiraan, kuwaas oo boqllaal kamid ah lagu fuliyay xukunno dal dalaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.