Home Afsomali Masuliyiin ka socda Dowladda Federaalka iyo Galmudug oo gaaray xarardheere

Masuliyiin ka socda Dowladda Federaalka iyo Galmudug oo gaaray xarardheere

Xildhibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo saraakiil ayaa maanta gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug, oo ay wehliyaan Xildhibaanada kala ah Cabdisamad Macallin Maxamuud, Ilyaas Sheekh Axmed, Sanatar Cabdixakiin Macallin Axmed iyo masuuliyiin kale oo socod ku maray magaalooyinka Wisil, Hobyo ilaa Xarardheere ayaa saaka kormeeray fariisimaha ciidanka iyo xarumaha bulshada ee Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.