Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta xarunta Shirarka ee villa Hrgeysa ku yeesheen mid kamid ah kulamadooda caadiga ahaa, waxaana shir guddoomineysay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehlinayay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Golaha Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ajandaha Kulanka Golaha Shacabka ee Maanta ayaa waxaa uu ahaa Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada oo ay horkeentay Wasaaradda Amniga Soomaaliya, hayeeshee ka hor furitaanka kulanka ayaa waxaa uu buuq ka dhashay mooshin ay keeneen Xildhibaannada Haweenka ah, kuwaas oo dalbanayay in fursad loo siiyo inay guddoon doortaan.
Xildhibaan Seynab Caamir iyo Xildhibaan Qaali Sire ayaa dood xoogan ay ku dhexmartay Golaha, taas oo ugu dambeyn dib u dhigtay waqtigii furitaanka ee Kulanka Golaha Shacabka
Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa aad Maanta uga dooday Hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagaxisada, waxaana Xildhibaannada ay mid mid u dul istaageen qodobada qaar ee u baahan in wax lag bedelo iyo kuwo lagu soo kordhinaayo sharciga.
Gebada gabadii Kulanka ayaa waxaa Xildhibaannada Maanta loo qeybiyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah, Dhowrista Xogta ,, Maareynta Deegaanka, iyada oo la filayo in dhawaan Ajandayaashaas la horkeeno Golaha Shacabka.