Home Afsomali Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan mid ah kulamadooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta uu kulanka jiro, isla markaana Ajandaha uu yahay Dhamaystirka Akhrinta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Maalintii Isniinta aheyd ee todobaadkaan ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa loo qeybiyay xeer hoosaadka ay ku Shaqeyn doonaan si ay u akhriyaan, waxaana laga sugayaa Xildhibaannada inay dhawaan ansixiyaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin adag oo dhowr ah iyo ansixinta hindise Sharciyeedyo muhiim u ah howlaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.