Home Afsomali Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Waxaa lagu wadaa in Maanta oo khamiis ah in  Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ay kulan xasaasi ah ku yeeshaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ku wargeliyay qabsoomida kulanka, iyaga oo ugu baaqay inay kulanka soo xaadiraan, waxaana ajandayaasha kulanka ay kala yihiin.

1. Dhageysiga Warbixin dhibaato weyn oo ka jirta Gobolka Bakool oo dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana ka warbixin doona Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

2. U codeynta labada Habdhowre ku-Xigeen ee magacaaban.

3.Doorashada xubnaha Guddiga kor joogteynta Dib- u- Eegista Dastuurka ee Golaha Shacabka.

4. Xiritaanka kalfadhiga 1aad ee Golaha shacabka – BFS

Geba-gabada Kulanka ayaa waxaa soo xirmi doono kal-fadhiga 1aad ee Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaannada ay geli doonaan fasax Natasha ah oo ay ku dhawaaqi doonaan Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla ajandayaal & sharciyo dhowr ah, kuwaas oo u baahan inay dood ka yeeshaan kadibna ay ansixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.