Home Afsomali Maxaa tahay sababta Cidada Hawaanayda la Furay ay u tahay Seddex Bilood,...

Maxaa tahay sababta Cidada Hawaanayda la Furay ay u tahay Seddex Bilood, Xulka Jimcaha Qaybta 4aad

 

Xulka Jimcaha  Qaybta 4aad.

Maxaa tahay sababta Cidada Hawaanayda la Furay ay u tahay Seddex Bilood, Halka Gabadha Carmalka (laga dhintay) ay tahay Afar Bilood iyo Toban Maalmood ? !!

Saynisyahankii Robert Gilhm oo ahaa hoggaamiyaha Yuhuudda ee Machadka Albert Einstein, ahna khabiirka ku takhasusay cilmiga Embryology (Uur-jiifka) ayaa ku dhawaaqay in uu islaamay ka dib markii uu ogaaday runta Sayniska iyo mucjisada Quraanka sababta cidada Dumarka ay tirsanayaan sedex bilood marka la Furo ka dib..

Meesha uu la yaabay Sayniska casriga ah ayaa waxay tahay waxa ay ugu yeeraan Semen fingerprint (faraha Xawada Raga) halka shahwada raga ay ku jiraa 62 protein inkastoo raga ay ku kala duwan yihiin, halka jirka haweeneydu uu leeyahay walax sida Computer oo kale, waxaya kaydisaa Code ama Sumadda lammaanaha ay la nooleed.

Haddii ay guursato nin kale isla markiiba furiinka ka dib, ama ay galaan Jirkeeda in ka badan hal Code oo Shahwo ah (Semen fingerprint) Jirka dumarka ayaa kolkaas la mid noqonaya sida in uu Fayras (Virus) galay Computer, ka dibna waxaa ku dhaci kara qofka dumarka Xanuunada la is qaadsiiyo iyo cuduro kale oo ka dhasha marka ay isku darsamaan mani (Sperm) raga oo kala duwan. !!

Waxaa si Cilmi ah loo xaqiijiyay Dumarka in Caadada koowaad ee furriinka ka dib ay ka saarto Semen fingerprint (faraha Xawada Raga 32% illaa 35%, Caadada labaadna ay ka saarto 67% illaa 72% , halka Caadada saddexaadna ay ka saarto 99.9% Semen fingerprint (faraha Xawada Raga).

Sidaas darteed Dumarka dhilaysta iyo kuwa Sinaysta ayaa qaada cudurrada dilaaga ah, taas oo ka dhalata marka dhoor Mani ama Xawa (Sperm) ay isugu tagaan Ilmgaleenka (Womb). !

Laakiin Gabadha Carmalka ah (Ninka ka dhintay), waxay u baahan tahay waqti dheer si loo suuliyo Code-ka ama faraha ay ka tageen Manida Raga (Semen fingerprint); Maadaama murugadu ay daciifiso qofka Dumarka ah, islamarkaasina waxaa xoogaysta baaqi ahaanshaha Manida (Semen fingerprint) , Sidaas darteed waxay u baahan tahay xaddiga uu Allah Qur’aankiis ku sheegay ee ah afar bilood iyo toban maalmood ( ﺃﺭﺑﻌﺔ ﺃﺷﻬﺮ ﻭﻋﺸﺮًﺍ ‏) si ay raadka Biyaha raga mar uun u baaba’aan.

Xaqiiqdan Cilmiga ah ayaa waxay ku kalliftay khabiirka ku takhasusay Cilmiga Embryology (Uur-jiifka) in uu baaritaan ku sameeyo xaafadda Muslimiinta Afrika ee Ameerika, taasoo muujineysa in dhammaan haweenku ay qaadaan faraha manida ragooda (Semen fingerprint). Halka baaritaanno Cilmiyeysan oo laga sameeyay xaafad kale oo Mareykan ah ay muujiyeen in ay lahaayeen Semen fingerprint fara badan labo ilaa saddex iyo wixii ka badan !!

Runtuna waxay la yaab ku noqotay Saynisyahanka markii uu sameeyay baaritaan ku saabsan Xaaskiisa si uu u ogaado inta ay leedahay Semen fingerprint, ka dib ayuu ogaaday in ay leedahay sedex Semen fingerprint, taas oo macnaheedu yahay inay khiyaameysay isaga !! Dabadeed arintaan waxay u horseeday inuu ogaado in saddexdii Wiil ee uu dhalay in Mid kaliya isaga dhalay. !!

Sidaas darteed, Saynisyahanka Robert Gilhm wuxuu ku qancay in Diinta Islaamku tahay Diinta kaliya ee Xaqa ah oo dammaanad qaadaysa Sharafka, Xasaanadda Dumarka iyo isku -xirnaanta bulshada, iyo in gabadha Muslimadda ahi ay tahay Gabadha ugu nadiifsan Dunida.

ﺳﺒﺤﺎﻥ ﺍﻟﻠﻪ . ﻭﺻﺪﻕ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﻌﻈﻴﻢ ﺇﺫ ﻳﻘﻮﻝ “: ﺳَﻨُﺮِﻳﻬِﻢْ ﺁﻳَﺎﺗِﻨَﺎ ﻓِﻲ ﺍﻵﻓَﺎﻕِ ﻭَﻓِﻲ ﺃَﻧْﻔُﺴِﻬِﻢْ ﺣَﺘَّﻰ ﻳَﺘَﺒَﻴَّﻦَ ﻟَﻬُﻢْ ﺃَﻧَّﻪُ ﺍﻟْﺤَﻖُّ ﺃَﻭَﻟَﻢْ ﻳَﻜْﻒِ ﺑِﺮَﺑِّﻚَ ﺃَﻧَّﻪُ ﻋَﻠَﻰ ﻛُﻞِّ ﺷَﻲْﺀٍ ﺷَﻬِﻴﺪٌ

Hussein Sahnuni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.