Home Afsomali Maxaabiis soomaaliyeed oo ku xiran Dalka Mareykanka kuna galay qaab tahriib sharic...

Maxaabiis soomaaliyeed oo ku xiran Dalka Mareykanka kuna galay qaab tahriib sharic daro ah ayaa walaac xoogan ka muujiyey in dib qaab qasab ah loogu musaafuriyo Somaliya oo ay hoey uga carareen

Maxaabiis

Dhalinyaro  Soomaaliyeed oo ku jirta xabsiyo kuyaala dalka Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujiyey  qorshe lagu doonayo in dib loogu celiyo Somaliya qaab qasaku masaafuris ahaan Soomaaliya ay horey uga carareen.

Soomaalidan ku xiran Xabsiyada dalka Mareykanka ayaa qaab Tahriib ah ku galay dalkaasi, waxaana qaarkood ay halkaasi ku xiran yihiin bilooyiin badan, waxaana hada soo wajahday cabsi ay ka qabaan in Soomaaliya qaab qasab ah loogu soo celiyo.

Maxaabiistan oo qaarkood la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka uu ka shaqeenayo sidii Soomaaliyya loogu soo celin lahaa, waxa ayna been abuur ku tilmaameen hadal horey uga soo yeeray safiirka.

Nuur Maxamed Maxamuud (Nuur Otta Dheere) oo la hadlay  ayaa sheegay in ay ku xiran yihiin xabsi kuyaala gobolka Florida, waxa uuna tilmaamay iyaga oo rajo ka qaba in xabsiga laga sii daayo ay caqabad kala kulmeen Safaarada Soomaaliya ku leedahay Mareykanka.

Waxa uu xusay Nuur in Soomaaliya ay uga carareen dhibaatooyin iyo dagaalo ka jira ayna wali dhibaatadaasi ay taagan tahay, waxa uuna timaamay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka uu u sheegay Dowlada Mareykanka in Soomaaliya nabad tahay dibna loogu ceiyo dadka xabsiyada ku xiran.

”Waxaa nagu dhagan oo dhibaato nagu heesa safaarada Soomaaliya ku leedahay Mareykanka, saraakiisha Mareykanka waxa ay noo sheegeen in nala deynayo hadana ay caqaad naga heesato Safaarada oo dooneysa in qaab qasab ah noo lagu soo celiyo Soomaaliya oo dhibaatadii aan uga cararnay wali ka taagan tahay, manaqaan faa’iidana safaarada ugu jirta in qasab Soomaaliya noolagu soo celiyo” Ayuu yiri Nuur Otta Dheere.

Waxa uu beeniyay Nuur Otta Dheere hadalkii safiirka Soomaaliya kasoo yeeray ee ahaa in Maxaabiistan ay raali ka yihiin in dalkooda loo soo celiyo, waxa uuna cadeeyay Nuur in la doonayo in qaab qasab ah maxaabiista Diyaarad looga saaro Mareykanka kadibna kasoo dajiyaan Muqdisho.

Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Mareylanka ayaa la sheegay in ay caqabad ku tahay Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyo kuyaala dalka Mareykanka kuwaa oo sharci daro ku galay dalkaasi balse Dowlada Mareykanka ay dooneysay in ay deganaanshiyo siiso.

7 COMMENTS

Leave a Reply to Mahamuod Hassan Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.