Home Afsomali Maxkamada  ayaa go.aan ka gaareysa khilaaf ka dhashay qofkii bedeli lahaa madaxwaynihii...

Maxkamada  ayaa go.aan ka gaareysa khilaaf ka dhashay qofkii bedeli lahaa madaxwaynihii dalka brund  Pierre Nkurunziza.eegeeriyooday 

Maxkamada dastuuriga ee dalkaasi ayaa sheegtay in Madaxwaynaha la doortay Evariste Ndayishimiye xilka loogu dhaariyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sharci ahaan, afhayeenlka baarlamaanka dalkaasi, Pascal Nyabenda, ayay ahayd in uu noqdo hogaamiyaha kumeelgaarka ee dalkaasi.

Balse golaha wasiirada dalkaasi ayaa arrintan u gudbiyay maxkamadda islamarkana Mr Ndayishimiye ayaa imika noqonaya madaxwaynaha labo bilood ka hor xilligii ay ahayd in uu xilka la wareego. Waxaa xilka madaxwaynanimada loo doortay bishii May si uu u badalo Nkurunziza, oo xilka hayay muddo 15 sano ah.

Garsoorayaasha maxakamada dastuuriga ee dalka Burundi ayaa waxay sheegeen in xilliga kumeelgaarka ee ay tahay in uu xilka qabto afhayeenka baarlamaanka ay ahaan lahayd marka doorasho cusub la qabanayo, balse imika uu joogo madaxwayne cusub oo la doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.