https://youtu.be/qw2iDtVL6aA
Maxkamada darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo dhowaan askari kale ku dilay magaalada Dhuusamareeb.
Maxkamada ayaa dhageysatey Dacwad Ciqaabeed loo heystay eedeysane dable Xoogga C/waaxid Axmed faarax oo horay dil uga geystay Allaha u Naxariistee, Saddex Xarigle XDS, Maxamuud Saciid Nuur oo ka tirsanaa ilaalada Taliyaha qeybta 21-aad
Maxkamada oo dhageysatey baarista xafiiska Xeer ilaalinta iyo qiraalka eedeysanaha sidoo kalena dhageysatey Marqaatiyaasha Ku sugnaa Goobta falku ka dhacey ayaa Dambiile C/Waaxid Ahmed Faarax ku Xukuntay Dil Toogasho ah oo Noqonaya Qisaasta Marxuum Sadax Xarigle XDS, Maxamuud Saciid Nuur.