Home Afsomali Maxkamada G/Banaadir oo 30 cisho u qabatay Masuuliyiin loo heysto musuq

Maxkamada G/Banaadir oo 30 cisho u qabatay Masuuliyiin loo heysto musuq

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa soo saartay qoraal baafin ah oo loogu yeerayo 7 masuul oo lagu soo eedeeyey musuq iyo xatooyo xoolo dadweyne

Raggan oo dhamaantood dalka maqan ayaa laga dalbaday iney Maxkamada ku hor yimaadaan muddo 30 cisho ah si ay isaga difaacaan dembiyada lagu soo eedeeyey.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay shalay Eedda loo heysto xubnahan oo ah Saraakiil ka tirsan Hey’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Maxkamada gobolka Banaadir ay ka socoto dhegeysiga dacwad loo heysto masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Hey’adda socdaalka Iyo Jinsiyadda, Xafiiska Hanti-dhowrga guud ee Qaranka iyo Wasaaradda Maaliyadda.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADA

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.