Home Afsomali Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo la horkeenay eedeysanayaal ajnabi ah

Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo la horkeenay eedeysanayaal ajnabi ah

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay Dhageysiga dacwad loo haysto 36 Eedeysane oo Ajaanib ah.

Raggan waxaa hore xukun ugu riday  Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo Eedeysanayasha loo haysto inay sifo sharci darro ah uga kalluumaysteen xeebaha Soomaaliya.

“Lacagta maxkamaddu nagu xukuntay oo ah 11 bixinta qofkiiba11 kun oo dollar ma bixi karno boqol sano haddii aan xirnaano, laba boqol ayaan bishii mushahar u qaadanaa waxaan codsaneynaa in naloo naxariisto” ayuu yiri xukunsanahaan oo maanta ka soo muuqday Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.

Xeer ilaaliye ku-xigeen guud ee Maxkamadda Racfaanka  Yaxye Maxamuud Saciid ayaa Maxkamada Racfaanka ka hor sheegay inay Maxkamadda Hor keenayaan dhamaan cadaymaha lagu hayo Eedaysaneyaashan.

Eedaysaneyaashan ayaa waxa gacanta ku soo dhigay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Dowladda Soomaalita xili ay sifo sharci darro ah ugu soo xadgudbeen Biyaha Badda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.