Home Afsomali meydka Abwaan singub oo Jigjiga laga dajiyey lagu aasi doono iyo...

meydka Abwaan singub oo Jigjiga laga dajiyey lagu aasi doono iyo wafdi dowlada dirtay oo ka qeybgalayo

Meyka Abwaan maxamud Cabdulaahi Ciise Singub oo goordhaweyd jigjiga laga dajiyey waxaana halkaasi gaaray wafdi ay dowladu u dirtay oo halkaasi gaaray

Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada deeganka Soomaalida Eng Hamdi Axmed Omar iyo diplumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Itoobiya.

Wafdiga uu Wasiir oomaar hogaaminayo oo ka kooban Xildhibaano, Fanaanii Abwaano iyo Masuul ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan aaska Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” oo dhawaan ku geeriyooday Addi Abba.

Maalinta  ayaa lagu wadaa Abwaan Sangub in lagu aaso Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” ayaa ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Umadda Soomaaliyeed isag oo sameeyay ruwaayado iyo heeso badam oo can ka ah Dalka.

Alla ha u naxriistee Abwaan Cabdullaahu Maxamuud Ciise(Singub) ayaa taariikh fcaweyn ku leh Soomaaliya,gaar ahaan wacyigelinta bulshada,iyadoo loo marayo dhinaca fanka, Hidaha iyo Dhaqanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here