Home Afsomali Midowga Afrika oo howlgalka ATMIS ugu baaqay inay dar dar geliyaan howlgalka...

Midowga Afrika oo howlgalka ATMIS ugu baaqay inay dar dar geliyaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa booqday ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, kuwaas oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah barnaamijkiisa Soomaaliya.

Amb. Mohammed El-Amine Souef ayaa bogaadiyay shaqada ciidamada ATMIS ee taageeraya ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohammed El-Amine Souef oo kualn la qaatay Saraakiisha ciidamada Uganda ee kusugan magalaada Muqdisho ayaa ugu baaqay inay la yimaadaan qorsho cusub oo la xiriira dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Dhawaan ayuu soo gaaray magaalada Muqdisho Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mohammed El-Amine Souef si uu xilka ula wareego, si loo dar dar geliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Ciidamada ATMIS ka fulinayaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.