Miyuu bilowday dagaalkii saddexaad ee adduunka
Waxay u egtahay in dagaalka 3aad ee adduunka uu durba billowday ama uu bilaaban doono, balse aadanaha taasi weli ma xaqiiqsan, sidaasina waxaa qoray wargeyska Wall Street.
Dagaalka Ukraine waxa uu socdaa ku dhawaad saddax sano, dagaalo kalena waxay ka socdaan bariga dhexe, halka xiisada bariga Asia ay kacsan tahay. Dagaalo kale oo mar loo arkayay kuwa la iloobay ayaa hadda u eg in ay yihiin tallaabadii ugu horreysay ee loo qaaday dhinaca dagaalka saddexaad ee adduunka.
Colaadaha adduunka ka aloosan waxay xaqiijinayaan hal wax oo ah in aysan jirin dagaalo la kala sooci karo ama si gaar ah wax looga qaban karo.
“Tani waa isku day guud oo lagu wiiqayo awooda caalamiga, waa in aan sameynaa wax kasta oo aan kaga hortagi karno arrintan”, ayuu yiri dhawaan wasiirka arrimaha dibadda Czech, Jan Lipavsky, mar uu ka hadlayay ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee yimid Ruushka.
aliyihii hore ee ciidamada Ukraine Valeriy Zaluzhny ayaa sidoo kale dhawaan ka hadlay in dagaal saddexaad uu adduunka ka dhici doono.
Sida laga soo xigtay, Wall Street Journal, 10 sano ka hor Ruushka iyo Shiinaha waxay kala shaqeynayeen Mareykanka iyo dalalka reer galbeedka in loo xakameeyo talisyada Iran iyo Kuuriyada Waqooyi. Waxay u codeeyeen cunaqabateynta la saaray dalalkaas.
Balse maanta Ruushka, Shiinaha, Iran iyo Kuuriyada Waqooyi waxay istaageen hal dhinac iyagoo ka horjeestay dunida reer galbeedka. Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa dhawaan ku tilmaamay isbahaysigooda “dunida xorta ah”.
Isbeddelka keenay xiriirka dhaw ee u dhexeeya talisyadan waxa uu yimid markii dalalka reer galbeedka ay cunaqabteyn saareen Ruushka iyagoo kaga jawaabayay duulaankii Ukraine, taasina waxay Putin tustay siday ay daciif u tahay dimuqraadiyadda sidaas ayaa lagu xusay qoraalka wargeyska.
Sidoo kale waxa uu wargeyska xusay in 2015-kii ay Ruushka iyo Iran inay bilaabeen sidii ay ku badbaadin lahaayeen taliskii Asad ee Suuriya.
Xiriirka afartan dal wuu sii xoogeystay ilaa markii uu Ruushku ku duulay Ukraine sanadkii 2022-kii, uuna u baahday taageerada Shiinaha iyo hubka Kuuriyada Waqooyi iyo Iran sida lagu sheegay wargeyska.
Iskaashiga Ruushka iyo Iran wuxuu noqday mid muhiim ah. Moscow iyo Tehran waxay isla saxiixdeen “is-afgarad” la xiriira difaaca.
“Tartanka xawaaraha uu ku socdo ee awoodaha waa mid xoogeysanaya oo adduunka kala qeybinaya”, ayuu yiri Wang Huiyao oo ah madaxweynaha xarunta CCG oo ah hay’ad cilmibaaris oo shiinaha ku taal.
Wuxuu xusay in adduunka uu qarka u saaran yahay dagaal saddexaad. Wuxuu ka hadlay dagaalada Ukraine, Gaza iyo waxa ka socda Suuriya.
Maanta Ruushka iyo Shiinaha waxay ku fakarayaan boqortooyooyinkoodi hore ee sharafta lahaa iyagoo doonaya in ay soo celiyaan sameyntooda iyo in ay saxaan wax ay u arkaan taariikh cadaal-darro ah sida Ruushka oo Ukraine waayay iyo Shiinaha oo aan haysan Taiwan.
Shiinaha iyo Ruushka waxay aaminsan yihiin “qeynuunada nidaamka caalamka ku fadhiyo” in ay yihiin oo kaliya aalad Mareykanka uu dunida ku xukumo. Sidaa darteed, waxay doonayaan in ay burburiyaan nidaamkaas si ay u dhisaan kooda.
Moscow iyo Beijin waxay aaminsan yihiin in saameynta dhaqaale iyo tan siyaasadeed ee reer galbeedka iyo dimuqraadiyadooda in si dabiici ah ay u sii liici doonto maadaama ay dimuqraadiyadooda la falgashay dhaqaalaha adduunka.
Dalalka reer galbeedka waxay ka wada shaqeeyaan sidii ay ku ridi lahaayeen nidaamka awoodeed ee adduunka. Balse reer galbeedka in ay kala qeybsamaan ayey qarka u saaran yihiin sababtuna waxay tahayd madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa hore ugu dhawaaqay hab dhaqaale iyo mid siyaasad oo gooni u ah Mareykanka.
Xaaladda hadda jirta laguma sheegi karo dagaal sida wargeyska qoray. Inkastoo xaaladu kacsan tahay hadana quwadaha waaweyn toos uma dagaalamayaan, welina taas ma dhicin.
Waa dagaal dhinacyo badan. Wadamada reer galbeedka weli diyaar uma aha in ay dagaallamaan, waxayna dhayalsan yihiin xoogga iyo doorka istaraatiijiyadeed iyo iskaashiga ee u dhexeeya Ruushka, Shiinaha, Iran iyo Kuuriyada Waqooyi.
Waqtiyadii hore xiriirka ceynkan ah wuxu keeni lahaa cawaaqib xun sidii ay sameeyeen dalalkii garabka midig dagaalkii labaad ee adduunka.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen guddiga istaraatiijiyada difaaca qaranka Mareykanka, Shiinaha wuu ka horeeyaa hadda Mareykanka marka laga hadlayo waxsoosaarka qalabka militeriga. Warshadaha Mareykanka ma dabooli karaan baahida Mareykanka iyo isbahaysigiisa.
Yurub weli diyaar uma ahan dagaal, sidaasina waxaa cadeeyay safiirka Ukraine u fadhiya UK iyo taliyihii hore ee ciidamada Ukraine Valeriy Zaluzhny. Dhinaca kale, wuxuu taliyaha aaminsan yahay in sanadkan aan u qaadan karno in dagaal saddexaad uu adduunka ka bilowday.