Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen culumaa,udiinka ku nool magaalada Tromsø ayaa waxaa si wayn uga soo qeyb galay dad aad u farabadan oo kamid ah muslimiinta ku nool magaalada iyo tuulooyinka ku dhow waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay muxaadarooyin diini ah oo u badnaa ka hadalka fadliga ay leedahay xurmeynta iyo weyneenta bisha mowliid oo ah xilligii uu dhashay nabigeenna Muxamad SCW.
Culumaaudiinkii goobta ka hadlay oo ay kamid ahaayeen macalim maxamed Axmed, Sheekh Ismaaciil Macallim Axmed iyo Macalim Saalax Cusmaan ayaa ku guubaabiyey ummada soomaaliyeed iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay in muhim ay tahay in lagu daydo sunnada nabigeenna suubban oo aad loo xuso maalinta uu dhashay taasoo muujinaysa jaceylka ay dadkiisa u qabaan rasuulka SCW.
Waxa sidoo kale ay culumada aqriyeen taariikhdii nabigeenna csws iyo doorka qofka muslimka ah looga baahanyahay fidinta diinta islaamka oo ah diin nabadeed, munaasabadda ayaa ugu dambeyntii kusoo gebogebowday jawi aad u wanaagsan.
Bisha mowliid sanad kasta waxaa dunida laga xusaa xilligii uu dhashay nabigeenna suubban Muxamad csw waxaana ay dadweynaha muslimiinta ah ay iyagoo faraxsan isugu soo baxaan masaajidada iyo goobo kale oo loo asteeyey in lagu xuso 12ka bisha mowliid.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0