Weerara ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayey Kooxo hubeysan ku weeraray guri ku yaalla degmada Warta Nabada (Ex-Wardhiigley) ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Wararka ayaa sheegaya in hoyga qaraxyada lagu weararay uu degenaa Axmed Shire Nageeye oo ah Aggaasimaha Wasaaradda Maaliyada xukuumada Soomaaliya.
Lama oga xiliga uu weerarkan dhacayey in agaasimaha uu guriga ku sugnaa iyo in kale balse Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ku dhaawacmeen saddex ruux.
Qaraxyada iyo dilalka ayaa todobaadyadan ku soo batay magaalada Muqdisho, saaka ayeyna aheyd markii qarax gaarigiisa loogu xiray oo si xun ugu dhaawacmay shaqaale ka tirsanaa TV-ga Universal, kaasoo ka dhacay degmada Xamar-weyne.
Waxa ka soo horeeyey dilal xiliyada habeenkii joogto ka noqday magaalada oo laga khaarajiyey, askar, Nabadoono, shaqaale dowladeed, haween iyo dad kale, laamaha amaanka dowladana illaa ma qaadin talaabooyin looga hortagayo weeraradan joogtada noqday.
https://youtu.be/Z7mcG4NESDM
https://youtu.be/m5Lma7tiNc8
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0