Home Afsomali Muqdisho Ciidamo eeyaha wax uriya wata oo dadka iyo gaadiidka ku baarayo...

Muqdisho Ciidamo eeyaha wax uriya wata oo dadka iyo gaadiidka ku baarayo goob uu qarax ka dhacay asbuc ka hor

Ciidamada Booliska qaybtooda u tababaran Baarista Miinooyinka, ayaa lagu soo daadiyay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku baarayaan gaadiidka.

Ciidankaan ayaa ku sugan ka soo horjeedka Hotel Wehliye, gaar ahaan goobtii uu qaraxa ka dhacay Bishii aan soo dhaafnay ee Marso, halkaasi oo gaadiidka ay ku baarayaan.

Ciidamadan ayaa wata eeyo u tababaran u rinta waxyaabaha qarxa ee gaadiidka saaran, waxaana gaariga laga shakiyo ciidamada ay gelinayaan meel luuq ah oo ay ku baarayaan.

Booliska ayaa isku dayaya door muuqata inay ka qaataan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho iyo ka hortagga qaraxyo Shabaab ay ka gaystaan Magaalada gudaheeda.

 Howlgalka Miino Baarista ah ayaa waxaa uu ka socda  ka soo horjeedka Hotel Wehliye, gaar ahaan goobtii uu qaraxa ka dhacay Bishii aan soo dhaafnay ee Marso, halkaasi oo gaadiidka ay ku baarayaan.

Qof soo maray wadada ayaa sheegay inuu arkaayay gaadiidka oo saf dheer ku jira, islamarkaana lagu baarayo eeyo ay wataan ciidanka Booliska, si loo ogaado gaariga qarax saaran yahay iyo midka uusan saarneyn.

Tababarka uu qabo eeyga ayaa ah inuusan ka tageyn gaariga uu saaran yahay qaraxa, sidoo kalena uu qaylinaayo haddii ay taasi dhacdo, Booliska waxa ay sameynayaan gaariga inay wadada ka leexiyaan, kadibna baaritaan dheeri ah lagu sameeyo.

Booliska ayaa isku dayaya door muuqata inay ka qaataan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho iyo ka hortagga qaraxyo Shabaab ay ka gaystaan Magaalada gudaheeda.

Cabsi badan ayaa ka jirta Magaalada Muqdisho gudaheeda, kuwaasi oo ku saabsan qaraxyo ka dhaca Magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.