Home Afsomali Muqdisho Qarax miino oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya

Muqdisho Qarax miino oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada soomaaliya

Qarax Miino ayaa kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM waxaa lagula eegtay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, sida ay saxaafada u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa oo dhacay saakay Abaare 08:00 Subaxnimo ayaa waxaa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka ka akdhow halkaasi oo ay ka mid yihiin Hodan, Yaaqshiid iyo Deyniile.

Dadka degaanka ayaa saxaafada u sheegay Qaraxa in lagu aasay wadada dhinaceeda uuna haleelay mid ka mid ah kolonyadii ay wateen Ciidanka AMISOM, balse ilaa hada aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Ciidanka AMISOM.

“Mar Qura ayaan maqalnay jug xoogan, oo Qarax Miino u ekeyd, taasi oo ka dhacday wadada Warshadaha, cabaar kadib waxaan ogaanay in lala eegtay Ciidamada AMISOM, kadib waxaan maqalnay Rasaas fara badan oo ay fureen Ciidanka AMISOM”. Waxaa sidaasi QARANIMO.COM u sheegtay Gabar ka tirsan dadka degaanka.

Al-shabaab ayaa Qaraxyada nuucaan oo kale ah waxa ay Ciidanka AMISOM kula eegtaan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo inta badan ay istcimaalaan Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.