Home Afsomali Muqdisho Wararkii ugu danbeeyey risaastii oo Joogsatay iyo Afhayeenadii dowlada oo midkoodna...

Muqdisho Wararkii ugu danbeeyey risaastii oo Joogsatay iyo Afhayeenadii dowlada oo midkoodna laga waayey goobihii ay ka dhaceen waararada iyo isdifaaca

ka dib dagaal ka socday  socday Muqdisho inta u dhaxeysa taalada sayidka ilaa baar FIAT ayaa joogsaday salaadii cisho waqtiga Muqdisho .

dagaalka ayaa la isu adeegsay hubka Noocyadiisa kala duwan iyo gaadiid laga soo buuxiyey walxaha qarxa kuwaas oo ku kala qarxay afaafka hore ee hotelka halkaas laga dhisay una dhow hotel Jubba ee Magaalada Muqdisho

waxaa kala oo uu dagaalku xoogiisa ka dhacay  dhacay talada sayidka albaabka laga galo Madaxtooyada Villa Somaliya markii danbana waxaa la isla aaday dhabarka danbe ee Hotel siyaad ilaa wadada jid cadaha ah ee aada masaajidka is baheysiga islaamka iyo  beerta dhagaxtuur  halkaasina waxaa dagaal ku dhaxmaray ciidamada halkaa dagan iyo sida la sheegay 5 ka mid ah ragii weerarka fuliyey oo ayagu ku labisnaa dareyska Ciidamada Bolice-ka ee dhawaan la bixiyey oo hubkoodi u dhan yahay

Mudo ayaa la siweydaarsanayey hubka yar yar iyo midka waaweyn waxaana la maqlayey dhawaqa risaasta kala duwan iyo midka gaadiidka deg deg ah ee ambalaasta

5 ruux ay ahaayeen kooxdii weerarka soo qaaday isla markaana weli hal dagaalyahan uu ku harsan yahay dhisme Ku dhaw taalada dhagaxtuur,waxana qaraxa koowaad uu ka dhacay Checkpoint-ga ugu horeeya ee ay Ku sugan yihiin ciidamada ilaalada xarunta madaxtooyada.

wariyaha somalisan oo soo indhaindheeyey goobaha dagaalka ayaa ku soo arkay indhihiisa gubashada laga gaari ee loo adeegsaday ismiidaaminta iyo mid kale oo dadkii goobta joogay in uu yahay midkii ay saarnaayeen daleydii weerarka ku qaaday goobaha ay joogaan ciidamada dowladu

isku soo wada duuboo xaalada ayaa haatan dagan mana jirto wax risaas ah oo dhaceysa iyo weliba wax u muuqdo dhiilo colaadeed oo taagan waxaana jirta in isku soo bixii qaraxyada iyo dagaalka ka dib aan lagu arkin wax afhayeen dowladed ah oo saxaafada haba yaraatee aan wax macluumaad ah siinin

haraagii gaadiidka qarxay iyo bambooyin ayaa yaal albaabka laga galo madaxtooyada waxaana sidoo kale yaal gaari rogmaday iyo mid ku baaba.y qaraxa oo birihiisu halkaa daadsan yihiin

dagaalkaan ayaa ku soo beegmayo xili saacado ka dib lagu wado in uu xilka ciidanka bolice-ka uu la wareego taliyaha cusub ee magacaaban

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.