Home Afsomali Muqdisho Maamulka Gobolka oo ka laabtay Go.aankii lagu joojiyey Lacagha laga...

Muqdisho Maamulka Gobolka oo ka laabtay Go.aankii lagu joojiyey Lacagha laga qaado Shacabka Galayo Beerta Nabada

MuqdishoMaamulka Gobolka oo ka laabtay Go.aankii lagu joojiyey  Lacagha laga qaado Shacabka Galayo Beerta Nabada

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir Maluuka Xaaji Dheere ayaa saxaafada u sheegtay in laga laabtay amarkii hore u soo baxay, isla markaana Maamulka Gobolka iyo Ganacsatada Beerta ay kulan yeesheen.

“Markii aan falanqeynay waxyaabaha ku saabsan qiimaha lagu galo beerta waxaa isla galaran in beerta shaqadeeda ku soo noqoto, in wixii hada ka dambeeya dadka laga qaado $1, si qof kasta oo muwaadin ah uu ku nasto beerta”ayay tiri Maluuka Xaaji Dheere.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in dadka da’da ah iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ay beerta ku soo gali karaan lacag la’aan.

Waxaa ay sheegtay in sidoo kale Ganacsatada beerta ay isku afgarteen in si isku mid ah lacagaha lagu galo beerta maalmaha caadiga iyo maalmaha ciida, iyadoo xustay in hadii carruur tahay iyo dadka kalena laga qaado lacago isku mid ah oo ah $1.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Maamulka Gobolka Banaadir uu soo saaray amar lagu joojinayo lacagaha lagu galo beerta, waxaana tani buuq iyo khilaaf ka dhex dhaliyay Maamulka Gobolka iyo Ganacsatada, iyadoo Ganacsatada ku hanjabeen inay dacwad la tiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir.

Beerta Nabada oo ku taal dhabarka dambe ee Taaladii SYL iyo nawaaxiga Boosteejadii ceel gaabta ayaa ka mid ah dhulalka danta guud oo la siiyay Ganacsato maalgashatay, waxaana bixiyay maamulkii hore ee Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amaro uu dhowaan soo saaray aanu dhaqan gelin, sida amarkii ay Gaadiidka AMISOM kaga joojiyeen Wadada Maka Al-Mukarama inay isticmaalaan 6-da subaxnimo illaa habeenkii,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.